Ruushka oo weerar xoog leh ku qaaday caasimada Ukraine ee Kyiv

Ciidamada Ruushka ayaa weerar xog leh ku qaaday magaalooyin ku yaala dalka Ukraine oo ay ku jirto magaalada caasimada ah ee Kyiv.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in diyaaradaha dagaalka Rushka ay duqeeyeen dhawr bartilmaameed oo caasimada ku yaala waxaana jira madaafiic lagu garaacay xaafadaha qaar ee magaalada Kyiv.

Dagaalka xoogiisa oo ka socda dhanka waqooyiga ee magaalada Kyiv ayay wararku sheegayaan in ciidamada Rushka kusoo dhawaadeen magaalada caasimada ah waxaana ay hadda u jiraan 25 km oo kaliya.

Dhawr magaalo oo kale oo ay ku jiraan magaalooyinka Lutsk Frankivsk ayaa waxaa ka socda dagaal xoog leh oo u dhaxeeya ciidamada Ukraine iyo kuwa Rushka.

Dhanka kale todobaadka dambe waxaa magaalada Baraasalis ee caasimada dalka Biljimka ka furmaya shir ay iskugu imaanayaa wasiiradda gaashaandhiga dawladaha ku jira ururka gaashaanbuurta NATO.

Kulankaas ayaa si gaar ah looga arrinsanayaa xaaladda dalka Ukraine iyo dawladaha dariska la ah.

You might also like More from author