Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray in ciidamadiisu ay gudaha Ukraine ka fuliyaan howlgal Milatariga waxaana duqeymo xooggan laga maqlay magaalooyin dhowr ah oo ku jirto caasimadda dalkaas ee Kiev.

Dagaal ku bilowday qaraxyo ayaa ka socda magaalooyin waa weyn oo ka tirsan Dalka Ukraine.

Dowladda Ruushka ayaa Sheegtay in ay burburisy inta badan Goobihii difaaca ee Ukraine.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ruushka ayaa digniintii ugu dambaysay u diray Mareykanka iyo guud ahaan dalalka NATO in ay Faraha la soo galaan Xaalada Dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku dhawaaqay sharciga dagaalka ee dalka oo dhan, wuxuuna sheegay in Ukraine ay ‘guulaysan doonto’.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhalleeceeyay “weerar aan sabab lahayn oo lagu qaaday Ukraine, isagoo ballan qaaday in dunidu ay “la xisaabtami doonto Ruushka”.

You might also like More from author