Ruushka oo dib u bilaabay duqeymaha uu ka wado dalka Ukraine.

Ciidamada Rushka ayaa dib u bilaabay duqeyn xoog leh oo ay ka wadeen magaalada Maaribooli oo ku taala koofur bari dalka Ukraine.

Duqeyntaan oo bilaabatay kadib saacado ay dalkaas ka jirtay xabad joojin Rushku ku dhawaaqay ayaa timid kadib markii magaaladaan dadka intooda badani ka baxeen.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in dad badan willi ku go’doonsanyihiin gudaha magaalada Maaribooli la yiraahdo.

Q,M ayaa horey u sheegtay in dadka ku qaxay dagaalka Ukraine ay hadda ka badan yihiin hal milyan oo ruux waxaana la saadaalinayaa inay ka badan karaan haddii dagaalku sii socdo.

Dhanka kale dawlada Ukraine ayaa dawladaha ku jira gaashaanbuurta NATO ka dalbatay in la siiyo qalabka difaaca hawada si ay uga hortagto weerarada aan kala joogsiga laheyn ee diyaaradaha Rushku dalkaa ka geysanayaan.

You might also like More from author