Ruushka oo beeniyay in uu Gargaar Ciidan weydiistay Shiinaha

Ruushka ayaa beeniyay warar sheegayay in  Shiinaha waydiisteen gargaar millatari oo ka caawiya dagaal maalmaha socda ee uu ku qaaday  wadanka Ukraine.

Afhayeenka Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa waxaa uu yiri “Ruushku gargaar kama dalbadan Shiinaha, isla markaana waa uu leeyahay awood ciidan oo ku filan oo uu ku fuliyo hadafka uu ka leeyahay Ukraine”.

Hadalka afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa imaanaya ka dib markii saraakiil Mareykan ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ay sheegeen in Ruushka uu ka codsaday Shiinaha gargaar ciidan.

You might also like More from author