Rooble oo ugu dambeyn xaliyey wax tabashadii Cabdi Xaashi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka oo saxaafada laga qariyey ayaa Cabdi Xaashi waxa uu ka gar naqsaday sida loogu bahdilay Kursiga uu ku fadhiyo Villada Xubnaha joogana ay ku ixtiraami waayeen.

Rooble ayaa ku laab qaboojiyey Cabdi Xaashi inuu yahay Oday Soomaaliyeed kasokoow inuu yahay siyaasi wakhti badan dalka usoo huray ayna wax badan ka bedeli doonaan cabashadiisa waxa uu ka qabay.

Waxa loo ballan qaaday in Arintii ay Isku hayeen isaga iyo Mahdi Guuleed la dhameeyey oo tiisa loo daba fadhiisan doono Xubnaha gobollada Wuqooyi.

Ilo ka ag dhawaa Kulankaasi waxay sheegeen in Cadaadis ka yimid Axmed Madoobe iyo Siciid Deni uu garwaaqsaday Mudane Maxamed Xuseen Rooble inuu ugu hiiliyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Saacad gudaheed ayaa warqad lasoo saaray waxa lagu arkayey inay isku tuur tuurayeen sax ahaanshiyaheeda Mahdi Iyo Cabdi Xaashi balse Rooble uu biyo qabow ku sooray Gudoomiyaha Aqalka Sare oo bilo Farmaajo ku eedeenayey inuu gows dambeedka saaray.

You might also like More from author