Rooble Oo ugu baaqay Shacabkii Ka Qaxay Muqdisho Inay soo laabtaan

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee ka jiray maalmahaan Magaalada Muqdisho iyo barakaca ay shacabka sameenayeen.

War uu bartiisa Facebook ku daabacay Ra’iisal wasaaraha uga hadlay Dadkii qaxay isagoo yiri.

“Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni.

Wasiirka Koobaad Ee Xukuumada xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay waxa uu amar ku bixiyey in ciidamada dib ugu laabtaan Xeryahooda si aan magaalada colaad looga abuurin.

Qaar ka mid ah Shacabkii barakacay ayaa bilaabay inay maanta dib usoo laabtaan kadib yadadiilo iyo is fahan siyaasadeed dareemeen kadib khudbadii xalay uu jeediyey madaxweyne Farmaajo.

You might also like More from author