Rooble oo magacaabay Guddi sare oo doorashooyinka ah

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magacaabay Xubno cusub kuwaasi oo ah guddi sare oo dhinaca farsamo ahaan ka taageeraya xafiiskiisa Doorashooyinka.

7-da Xubnood Ee Guddigaan ayaa waxaa ku jira labo dumar ah,iyadoo Cumar Dhageey oo katirsanaa Guddigii Doorashooyinka uu kasoo dhex muuqday.

Howsha ugu weyn ee guddigaan ayaa ah isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh.

Waxay xiriiriyeyaal ka noqon doonaan Xafiiska RW Rooble iyo  isku xirka Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Waxay kala yihiin magacyada Xubnaha ku jira guddigaan:

C/qaadir Cilmi Cali

Abuukaato Cumar Maxamed Cabdulle

Faadumo Cabdi Cali

Maxamuud Maxamed Rooble

Leylo Cabdikiriin Maxamed

Liibaan Rabiile Good

Cabdullaahi Xaashi Xasan

198152498 3989885207733647 1469617073270097677 N

You might also like More from author