Rooble oo Magacaabay Guddi Amni oo Xubno Mucaarad ah Ka mid yihiin

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban 11 xubnood,waxaana kasoo muuqday Mahad Salaad oo lagu soo daray.

Magacaabida Guddigaan loogu magic daray mid kasoo talo bixinaya xal ka gaarista qalalaasihii ka dhacay Muqdisho 25-kii April 2021-ka.

Xildhibaano iyo Xubno Wasiiro ah ayey ka kooban yihiin,waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood yihiin kuwii Farmaajo dagaalka kala soo horjeeday.

Warar la helay ayaa sheegaya in Buuq ka dhashay Liiskaasi inta aan la magacaabin waxaana markii dambe lagu soo daray Labo Xubnood gudigaan oo markii hore 9 ahaa balse 11 laga dhigay uuna Mahad Salaad kasoo muuqday.

You might also like More from author