Rooble oo kusoo laabtay dalka una jawaabay golaha murashaxiinta

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay fiidkii dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay Arimo dhowr ah.

Inkastoo uusan saxaafada si cod ahaan ah ula hadlin Rooble hadana qoraal lasoo geliyey barta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayuu kaga jawaab celiyey si maldahan walaacii ay qabeen golaha Murashaxiinta.

Waxay Murashaxiinta Axadii Shalay luuqad adag kula hadleen Ra’iisal wasaaraha oo ay ku tilmaameen in uu ka gudbay Saaxadii dhex dhexaadnimada aheyd.

Hayeeshee Rooble ayaa ku celiyey in shirka wadatashiga Doorashada looga hadlayo uu dhici doono xilligii loo ballamay oo ah 20-ka bishaan May,sidaa awgeedna la isku diyaarinayo.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in walaaca ay qabaan Mucaaradka ay tahay in weli Farmaajo gadaal ka riixayo Rooble si uu danahiisa gaarka ah ufushado.

Balse Wasiirka Koobaad Xukuumada ayaa shaaca ka dhigay inuu cadaalad doorasho ku dhacda dalka uu gaarsiin doono,maadaama isaga lagu wareejiyey Amniga iyo Doorashada.

You might also like More from author