Rooble oo kulan deg deg ah la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Dhawaan waxaa magaàlada Muqdisho ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland)

iyadoo taasi ay jirto waxaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu  la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.

You might also like More from author