Rooble Oo Galabta La Kulmaya Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sida aan ogaanay Kulan hordhac ah la qaadan doona Saacadaha soo socda Madaxda Maamul Gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Shirka ayaa la sheegay inuu bar bilow u yahay midka Qado sharafta ee Berri Khamiista Dhinacyadaan la filayo in Hoteel ku yaalla Garoonka Muqdisho iskugu imaanayaan.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis saareysa madaxda Soomaalida sidii ay xal uga gaari lahaayeen culeyska doorashada iyo wadada loo marayo.

Rooble ayaa doonaya in uu qaato doorkiisa Laanta fulinta maadaama ay Madaxtooyada is hayaan Labada Madaxweyne Ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Kooxda C6+ ayaa siyaabo gooni gooni ah ula kulantay Saacado ka hor Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Labada Madaxweyne Dawlad Gobolleed.

Xamar Post ayaa ogaatay in ay cadaadiska Beesha Caalamka ay sabab ka dhigtay in Deni iyo Madoobe aqbalaan Kulanka Rooble la yeelanayaan.

Quus iyo Rajo beel ayey muujiyeen wakiilada xalane deggan oo ay ka muujiyeen dhinacyada Soomaalida oo weli isku fahmi weysan arinta doorashada iyo jidka loo marayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isbuucii hore Shir la qaatay Dhinacyada taageersan Ee Dawlad Gobolleedyada KGS,Galmudug Iyo HirShabelle,waxaana sidoo kale ka qeyb galay Duqa Muqdisho Cumar Filish.

You might also like More from author