Rooble oo fariin kasoo diray Dalka Sacuudiga kagana Hadlay Arinta…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kusugan Dalka Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareeyay weerarka argagixiso ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo lagu soo daabacay Barta Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri “Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.

Waxaan  qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan.”

You might also like More from author