Rooble oo dalka ku soo laabtay, Xili doorashada Golaha shacabka Muran ka taagan yahay

Muqdisho waxaa Goordhow dib ugu soo laabtay Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo safar Shaqo ugu maqnaa Magaalada Geneva ee Dalka Swezerland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasasho kadib gaaray Teendhada Afisiyooni halakas oo Maanta qorsuhu yahay in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen ee Baarlamaanka 11aad.

Dib ugu soo laabashada Ra’iisul Wasaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegantay xilli xaaladda Siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay, isla markaana qaar kamid ah Shaqaalaha Baarlamaanka iyo Wariyeyaasha loo diiday inay galaan Teendhada Afisiyooni.

You might also like More from author