Rooble oo ballan qaad usameeyey Shaqaalaha Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo ku aadan munaasabadda shaqaalaha adduunka u diray shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

“Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaan hambalyo u dirayaa shaqaale weynaha Soomaaliyeed rag iyo dumarba. Waxaan uga mahadcelinayaa howsha adag ee qiimaha badan ee ay qarankooda u hayaan.

Waxaaan iyaga iyo qoysaskooda u rajeynayaa caafimaad qab iyo horumar joogto ah.

Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed, dhowrista xuquuqdooda dhinac walba iyo abuurista fursado shaqo oo hor leh.

You might also like More from author