Rooble Oo Ballan Qaad usameeyey Askartii ku dhaawacmay Awdheegle

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxa uu xalay fiidkii booqday Cusbitaalka Xoogga dalka Askar ku dhaawacmay Dagaalkii Sabtidii ka dhacay Deegaanada Bariire iyo Awdheegle.

Booqashada inta uu ku guda jiray Ra’iisal wasaare Rooble ayuu askarta qaarkood salaan iyo xog wareysi ugu tegay Qolalka ay jiifeen,iyadoo Warbixin uu ka dhageystay Maamulka cusbitaalka Xoogga.

Wuxuu bogaadiyey shaqada qaranka ay u hayaan iyo dhabar adeega ay umuujiyeen difaaca dadkooda iyo Dalkooda,una rajeeyey inay halgankaasi sii wadaan.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in laga warqabi doono Askariga dhaawacma daryeelkiisa isagoo ka mahad celiyey in dhiigooda uhureen bad baadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Taliska Xoogga Dalka ayaa sheegay in horjoogayaal katirsanaa Al Shabaab oo dhaawac kasoo gaaray dagaalkii 3-dii Bishaan ka dhacay Awdheegle ay udhinteen .

Warbaahinta Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Xuseen Ganeey oo ka mid ahaa Qeybta Warbaahinta Al shabaab uu dhaawac ahaan ugeeriyooday,isagoo ka mid ahaa dagaalyahanadii weeraray Sabtidii Degmada Awdheegle.

You might also like More from author