Rajada Soomaaliya Ee Kiiska Badda & Go’aanka ICJ Berri Laga Filayo

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa muddeysay dhageysiga ugu dambeeya ee galdacwadeedka badda waddamadda Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya, Mahdi Maxmed Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in dhageysiga gunaanudka uu qabsoomi doono maalinta berri ah.

“Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya,” ayuu yiri.

Sidda ay wararku sheegayaan, go’aanka muddeynta dhageysiga ugu dambeeya ee dacwadda ayaa ka dambeeyay markii ICJ ay ku gacanseyrtay dalab kale oo ka yimid Kenya.

Codsiga xukuumadda Nairobi ayaa lagu waramay inuu  ahaa in la siiyo fursad kale oo ay kaga hadasho fadhiga ugu dambeeya ee dacwadda xilli aysan xaadirin labadii fadhi ee ka horeeyay.

Maxkamadda Caddaaladda ICJ, ayaa la filayaa in ay ugu dambayn si rasmiya go’aan uga gaarto dacwadda kiiska badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

You might also like More from author