Ra’isalwasaare ku xigeenka oo shir guddoomiyay kulan ku saabsanaa amniga Muqdisho

Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayay sugidda amniga ee Muqdisho gaar ahaanna maalmaha Ciiddul Fitriga.

Shirkaasi looga hadlayay amaanka waxaa ka qeybgelay Duqa Muqdisho, Taliyayaasha Ciidamada qaar iyo xubno ka socda xukuumadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo joogto ah ka wadda Muqdisho tan iyo 30kii March 2019 oo ay howlgalladaas billowdeen.

Shirka looga hadlayay sida loo sugayo amniga Muqdisho ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Gobalka Banaadir.

You might also like More from author