Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Magalada Marka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la filayaa in Maalinta Berrito oo Sabti ah in uu tago Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaar garoow weyn ayaa laga dareemayaa Magalada Marka,waxaana lagu arkayaa Goobaha qaar Boorar uu ku dhegan yahay sawirka Raiisul Wasaaraha oo goobaha qaar la suray,halka wadooyinka qaarkood lagu dhejiyay Calanka Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed.

Ammaanka Magalada Marka ayaa aad loo adkeeyay,waxana amniga xaqiijinaya Ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Guutada 14-ka October,kuwaas oo gacanta ku haaya Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in Magalada Marka ay gaaraan wafdi horudhac u ah Safarka Ra;iisul Wasaaraha,kuwaas oo isugu jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa todobadkaan waxaa uu ku sugan yahay deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed,sida Magalada Baydhabo iyo degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo uu booqday.

You might also like More from author