Ra’iisul Wasaare Kheyre oo galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib muddo todobaad ah oo uu magaalada Garowe u joogay Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, iyadoo aanu wax hadal ah siin warbaahinta ayaa loo galbiyay Madaxtooyada.

Madaxdii ku sugneye Garowe ayaa si kala gaar gaar ah isaga soo huleelaya magaalada Garowe, waxaa saaka ka soo tagay Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo kala aaday Kismaayo iyo Nairobi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa isna saaka ka soo tagay Garowe, waxaa uu garoonka Muqdisho oo uu saacad ku sugnaa u sii dhoofay dalka Japan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in labo cisho uu sii joogi doono Garowe, halkaasoo uu uga qeyb geli doono kulamo uu la qaadan doono dadweynaha, kaasoo horay loo baajiyay.

Shirka Garowe ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, kaddib markii la isku fahmi waayay qodobadii laga hadlayay, waxaana caqabadaha ugu weyn ee Shirka hareeyay ka mid ahaa arrinta Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

You might also like More from author