Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigii la socday oo caawa kasoo degay Garoonka Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafi uu Hoggaaminayo ayaa caawa kasoo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii  Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ay uga qeyb galeen kulankii 72aad ee Golaha guud ee Qaramada midoobay.

Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde ayaa shaqo bilaabay xilliga habeenkii ah, waxaana imaatinka Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa xilli habeen ah ay ku tusineysaa Horumarka ka hana qaaday Magaalada Muqdisho iyo Amniga la isku haleyn karo ee ka jira Caasimada.

You might also like More from author