Ra’iisal Wasaare Rooble oo kusii wajahan Maanta Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ayaa wax ka socota qaban qaabada soo dhaweyn loo sameenayo Wafdiga Xukuumada ka socda ee ku wajahan Magaaladaasi.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Jowhar, waxaana uu safarkiisa kusaabsan yahay u kuur galida xaalada magaalada oo ku jirta go’doon daadadka ka dhashay fatahaada Wabiga Shabelle.

Mudane Rooble ayaa markii uu tego Jowhar la filayaa inuu kormeero goobaha webiga ka sameeyey fatahaada,islamarkaana uu tego tuulooyinka qaar ee daadadka ku rogmadeen.

Ciidamada Amaanka ayaa heegan la iyadoo la faray inay dhaq dhaqaaqa la socdaan si looga hortego fadqalalo walbo oo amniga lid ku ah.

Qof kusugan Jowhar ayaa sheegay in Afarta gees magaalada biyo ku wareegsan yihiin oo halis loogu jiro in maciishada qaali noqdaan,dadkuna xaalad adag soo wajahdo.

You might also like More from author