Ra’iisal wasaare Rooble oo ku wajahan Dalka Sacuudi Carabiya

Sida ay Ogaatay Warbaahinta Xamar Post waxaa lagu wadaa in dhawaan Safar uu ku aado Dalka Sacuudiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ilo wareed aan ka helnay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaqiijiyey in Rooble uu Boqortooyada Sacuudiga inta uu joogo la kulmi doono Mas’uuliyiinta dalkaasi.

Hayeeshee Ujeedka Socdaalkiisa ayaa lagu sheegay mid ku qotama Cumro uu utegayo Magaalada Barakeysan ee MAKA.

Xubno katirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa qeyb ka noqon doona sida la sheegay Wafdigaasi uu ugu kicitimayo Dalka Sacuudi Carabiya.

You might also like More from author