Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Hambalyo udiray Ciidanka Xoogga Dalka

Ra’iisul Wasaare Rooble”Maanta oo ku beegan sanad guuradii 61aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaan hambalyo u dirayaa saraakiisha, saraakiil xigeennada, dableyda, alifleyda, xaasaskooda iyo qoysaskooda.

CXDS waa laf dhabarta difaaca Qaranka Soomaaliyeed waana kuwa dhaxanta iyo dhamacda u taagan cadowgana u jilib dhigaya si aan nabad ugu ladno.

CXDS waxaan u rajeynayaa guulo iyo horumar is daba joog ah. Waxaan Eebbe ka barayayaa in uu u naxariisto inta geeriyootay iyagoo Qaranka difaacaya una boogo dhayo kuwa dhaawacmay.”

You might also like More from author