Rag hubeysan oo lagu soo qabtay Howlgal laga fuliyey Deg/Yaaqshiid

Taliska Booliska Degmada Yaaqshiid ayaa faah faahin ka bixiyey rag ay ku sheegeen in lagu soo qabtay xilli dhac geysanayeen.

Howlgal laga sameeyey Xaafada Gumareey ayaa la tilmaamay in lagu soo qabtay Labo nin oo bajaaj ay soo xadeen doonayey inay iibsadaan.

Mid ka mid ah raga lasoo bandhigay ayaa sheegay in Bajaajta ay kasoo xadeen Xeebta liido iyadoo uu qirtay fal dembiyeedka lagu soo qabtay.

Sidoo kale Sargaal uhadlay Ciidamada Booliska Yaaqshiid ayaa sheegay in sidoo kale rag mobilo dhac geysanayey ay soo qabteen.

Fb Img 1621315483865
Fb Img 1621315483865

Gudoomiye kuxigeenka Degmadaasi C/fitaax Axmed Cali ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada Amniga lagu xaqiijinayo.

Xaafadaha Yaaqshiid ayaa dadka deggan waxay cabasho ka ahaayeen in muddo ah qowleysatada hubeysan ee dadka dhac ugeysanayey.

You might also like More from author