Rag hubeysan oo dil ka geystay Afgooye & xaaladda oo aad u kacsan .

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Dilka askariga ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo si gaadmo ah ku toogtay marxuumka.

Ilo lagu kalsoonyahay oo u warramay xamar post ayaa sheegay in kooxda dilka fulisay ay si aayar ah goobta uga baxsatay dhacdada kadib.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban sameeyey, balse ma jirto cid ay u soo qabteen toogashadaasi.

Ammaanka Afgooye ayaa muddooyinkii u dambeeyey faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay ka fulinayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dilkii u dambeeyey ayaa waxaa loo geystay Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ahaa guddoomiyihii ciyaaraha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

You might also like More from author