R/wasaare Rooble oo kala diray guddigii doorashada heer federaal

Sida ay Xogo hoose aan ku ogaanay Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kala dirtay Guddiyadii doorashada heer federaal iyo heer goboleed, iyo guddiyadii xalinta khilaafaadka ee lasoo dhisay kadib heshiiskii doorasho ee 17-ka September.

Si gaar ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta ayaa la wadaagay in howshii ay hayeen iska joojiyaan Guddiyadaasi,ugana mahad celiyey shaqadii ay soo qabteen.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxda guddiyadan kadib markii uu maanta u yeeray ra’iisul wasaare Rooble inay xafiiska yimaadaan, si loola kulmo.

Mahdi Guuleed ayaa xubnaha u sheegay in la kala diray, wuxuuna uga mahad celiyay wax uu ugu yeeray “dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.”

Guddiyada doorashada heer Qaran iyo heer dowlad gobaleedyada ayaa ka kala socday dowladda dhexe iyo maamulada kale ee kala ah, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gobalka Banaadir.

Dowladda ayaa dhowaan sameysatay muddo kororsi laba sano ah, waxayna dib usoo celisay guddigii doorashada ee Xaliimo Yarey.

You might also like More from author