Qormo Xiiso Leh Oo Ku Saabsan Siyaasada Soomaaliya “Dhab U Hadal Aan La Kala Gaban!

Soomaaliya dowladnimadeeda waxaa waajib ah in la ogaado in ay tahay shirkad dadka Soomaaliyeed  oo dhan ka dhaxaysa oo ay tahay in la wada ilaashado, laguna wado hadahal iyo isu tanaasul iyo isu garaabid. Haddii laguu xulo darajadda ugu sareysaa micnaheeda maaha in aad shirkaddii dadka Soomaaliyeed ka dhaxeysay in adigu leedahay.

Dowladnimadu waxay leedahay qurux iyo heybad iyo astaan qaran oo aad magaceeda kula kulmeyso dowladaha kale ee caalamka ka jira.  Waxaana lagu qiimeyn magaca dadka aad masaleso, magacoodaana ku galeysaa heshiisyo caalami ah ama mid dalkalia kaala dhaxeeya.

Haddii uu madaxweyne xilkiisu dhamaado magacii, heybaddii iyo quruxdii uu dadka ku masalayay ayaa meesha ka baxeysa, waxaa noqoneysaa muwaadin caadi ah oo loo aqoonsado in uu xika ugu sareeya dalka ka soo qabtay. Magacaas ayaa har kuu noqonaya inta aad nooshahay oo lagugu karaameyn.

Waxaa mudan in la weediiyo madaxdii horay xilkan u soo qabay iyo sida ay mansabkaas ugu naaloodaan. Madaxweyneyaashii hore sida Cabdiqaasim Salaad Xassan, Shariif Shiikh Axmed iyo Xassan Shiikh Maxamuud ayaa jooga oo aad arrintaa wax laga weydiin karaa.

Madaxweynaha hadda xilkiisu dhamaaday cid walba waa ka dharagsan tahay xaaladda siyaasadeed oo hadda ku sugan yahay  oo ma jirto gudo iyo dibadba xilka uu isku dhajinayo oo waqtigiisu dhamaadan u aqoonsan.

Saamileyda siyaasadeed oo ay ku jiraan dowlad goboleyda iyo bulshada ra’yid ka ah hanaankii dalka loo xukumayay afartii sanno ee la soo dhaafay waxay u arkayeen in qaanuunkii laga keexday. Cid walbana waxay dulqaad u yeesheen in la sugo ilaa iyo xiliga madaxey- nuhu uu ka dhamaanayay, dhib kasta oo ay qabeen oo xitaa ku jirto in meelaha qaar dhiig ku daato. Ciidamaddii iyo shaqaalihii dowladda oo uusan dastuurka u ogoleyn in la siuaasa- deeyo ayaa siyaasadii la soo galiyay, iyadoo lagu talo xumestay in qaanuunka lagu dumiyo.

Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday dhowr goor buu la shiray madaxda goboladda. Warkooda ma qarsoon, ciddii dooneysa waxay ka wareysan karaan Shariif Xassan, Xaaf, Waare IWM. Hadda kuwa goboladda xilka ka haya oo ay ka mid yihiin Axmed Madowbe iyo Saciid dani warkooda waxaad ka heli kartaa Baraha Bulshada. Shir walba oo lala galo wixii ka soo baxay waa fuli waayeen. Farmaajo wuxuu doorbidayay in uu yeelo siddii uu madaxdii hore ee goboladda ula dhaqmay, wase suuroobi weyday ugu danbeyntii in la helo caano- madaashayaal isaga u adeega.

Waxaa u soo haray uun  rag aan misaan siyaas- adeed iyo galaangal aan ku laheyn bulsha inteeda kale oo isaga la’aantii aan waxba galin ama qaban karin. Dhowr goor buu madaxeyna- ha xilkiisu dhamaaday uu shir iclaamiyay, waxuuna waayay cid u timaada. Shirarka qaar waxaa caawiyay Beesha Caalmka oo gobolada isku keenay. Ugu danbeyntiina isagaa fashilyay oo diidan in talada dalka lala lee yahay.

Waxaa intaa dheer in uu diiday in uu shacabka Soomaaliyeed la wadaago siyaasadiisa iyo qaabka uu wax u wado oo laga wada qeyliyay. Farmaajo markii mucaaradka ahaa ma jirin cid ka qeylo weyneyd oo saxaafadda gudaha iyo dibadda ayuu ka canbaareyn jiray madaxwey- nihii hore Xassan Shiikh Maxamuud. Hadda dhaleeceyn iska daayay nin walba waxaa uu sameystay Ilaali u gaar ah oo uu isga ilaaliyo madaxweynaha xilkiisu dhamaaday.

Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday waxaa uu diiday in taladda dalka la la leeyahay oo dadka ay kala dhaxeyso. Waxuu isku dayay oo fashi- lantay in uu doorasho aan lala ogoleyn oo aan lagu wada qanacsaneyn in uu dalka ka qabto. Waxaa soo baxay erayo ay ka mid yihiin loo joojin maayo iyo gacan bir ah ayaa la isaga qaban ciddii howsha is hortaagta. Talo iyo tuusaalen wax tar waa u noqon waayeen oo ay ugu danbeysay tii Shiikh Xassan Dahir Aweys.

Shirka uu ku baaqay barri in la qabto madax- weynaha xilkiisu dhamaaday, ma noqon doono shir uu isagu waxuu rabo ay shaqeyn doonaan, waxaana cad  in shirkaa ay galgal ku leeyihiin Beesha Caalamka oo ay ka qeb gali doonaan dhamaan saamileyda siyaasdeed oo ay ku jiraan madasha bedbaadinta qaranka.  Waxaa qasab noqoneysa in shirkaas wax ka soo baxaan. Laakiin wax walba oo ka soo baxa uma adeegi doonaan Farmaajo iyo kooxda taageerta, sababta oo ah meesha waxaa ka dhaci doona dhab u hadal aan la kala gaban.

Dowladnimadda Soomaaliya ee dhibka badan laga soo maray oo dadka oo dhan ka dhaxey- saa laga tashan mustaqbelkeeda iyo sidii doorasho xalaal ah lagu qaban lahaa oo la wada ogol yahay, cid diidi karta ama carqala- deyn karta ma jiraan.

Dhanka kale, inta shirkaasi uu ka qabsoomayo ama ka dhicisoobayo, shaqallaha dowladda iyo ciidamada dalkan ee u dhaartay in ay u shaqeeyaan  shacabka, waxaa laga rabaa in aysan kaalintooda fashilmin haddii loo arko in madaxdoodii ay fashilmeed oo howshii loo igmaday ay gudan waayeen. Dhamaad.

Fiiro Gaar ah

(Bartan ma aha meel aflagaado ama handadaad,  haddii si mus’uuliyadi ku jirto aadan wax u qori karin, waxaa la qaatay in aadan wax qorin. Bartan muxaafad iyo mucaarad ma leh, waa bar ka dhaxeysa Somaali oo dhan.

Ra’yiga saliimka waa xor, wax baana laga kororsan. Ogow, dowladdu waxay leedahay suxufiyiin, qareeno iyo mus’uuliyiin kale oo loo igmaday in ay dadka u sheegaan mowqifka siyaadadeed ee dowladda ama difaacaan.

Waxay sidoo kale leedahay wargeys, raadiye, television, bogag internetka iyo baro bulsho.)

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.

Waxaan ahay Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

(Qoraalku waa xirfad muhiimadeeda leh ee si waxtar u leh bulshada u kaasho)

You might also like More from author