Qoor Qoor oo la kulmay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug.

You might also like More from author