Qoor qoor oo dalab cusub hordhigay Safiirka Talyaaniga Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor”  iyo wasiirkiisa Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md. Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud  ayaa kulan la qaatay danjiraha Dowlada Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka ayaa looga wada hadlay howlaha horumarineed ee Dowladda Talyaaniga ka wado deegaanada Galmudug.

Danjiraha ayaa u xaqiijiyay in Dowladda talyaaniga sii xoojin doonto teegerada shacabka iyo dowladda Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahadceliyay garab istaaga Dowladda  Talyaaniga iyo maalgelinta mashaariicda horimarineed.

You might also like More from author