Qof shacab ah oo maanta lagu dilay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa maanta qof shacab ah waxaa ay ku dileen Degmada Dharkeynlay ee Gobalka banaadir.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay xaafada kaaba goday ee degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in gaadiidka uu ka rari jiray isgooska kaabo goday ee magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Askarta ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay baaritaano ka sameeyeen halka uu dilka ka dhacay, iyagoona dad badan ku soo qabtay baaritaankooda sida ay KNN  u sheegeen dadka deegaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal noocan oo kale oo ay geystaan koox ku hubeysan bistoolad.

You might also like More from author