Qeyre oo kulama la leh masuuliyiinta jubbaland iyo dhalinyaradda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Saaka kulamo la leh Mas`uuliyiinta iyo Madaxda kala duwan ee dowlad goboleedka Jubbaland.

R/Wasaare Kheyre ayaa shalay Shirkiisii Jaraa`id ku sheegay in uu ka shaqayn doono wada shaqayn dhex marta dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka maadaama ay jireen khilaaf u dhaxeeyay labada Dhinac.

Labada Mas`uul waxaa hadalkoodii shalay ka muuqdey isku soo dhawaansho iyo in la soo afjaro khilaafka muddada kooban u dhaxeeyay guud ahaan dowlad goboleedyada Iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale R/Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in galabta uu kulan muhiim ah la qaato dhalinyarada Jubbaland.

Dhanka kale Wasiirada ku weheliya Safarka R/Wasaare Kheyre ayaa dhankooda kulan la qaadan doona dhigooda Wasiirada Jubbaland.

You might also like More from author