Qatar oo Mashaariic cusub oo Waxbarasho ka Hirgalisay Galmudug

Hay’adda Qatar Charity (QC) ee Dalka Qadar ayaa xariga ka jartay xarun waxbarasho oo laga furay Mgaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug.

Xaruntaan ayaa ka kooban 9 -qol , Masjid iyo howl weyn oo ay ardaydu ku qabsan karaan xafladaha iyo barnaamijyada waxbarshada oo idil.

Iskuulka ayaa waxaa loo baxshay magaca Fatx Al-andalus . Xaflada daah furka xaruntaan cusub ayaa waxaa  ka soo qeyb galay masuuliyiin iyo aqoonyahanno fara badan.
Furitaanka xarunta ayaa timid iyadoo dowlada Qatar ay horay u balan qaaday hirgalinta waxbarashada aasaasiga ah oo laga hrgilin doona dhamaan dowlad goboleyd-yada oo dhan.

Xarunta waxaa ku jira iskuul leh sagaal fasal, xafiisyo, hoolal iyo masaajid weyn. Tirada ka-faa’iideystayaasha ayaa lagu qiyaasay 350 arday oo isugu jira rag iyo dumar.  Qatar ayaa sheegtay sababta ay Gaalkacyo ugu dooratay in Iskuulka laga dhiso in ay la xiriirto baahi weyn oo waxbarasho oo  gobolkaas ka jirto u.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ee Galmudug, Mursal Cabdi Aadam oo ka hadlay xafladda furitaanka ayaa u mahadceliyay shacabka ku nool Qatar iyo madaxda Qatar oo garab istaagay shacabka Soomaaliyeed Wuxuu sidoo kale bogaadiyay doorka QC ee taakuleynta waaxda waxbarashada ee dalkiisa iyadoo mashaariic badan oo xagga waxbarashada iyo dhaqanka ah laga fuliyay dhammaan gobollada Soomaaliya, iyadoo taageero laga helayo deeq bixiyaasha Qatar.
Bishii Nofeembar ee sanadkii horre , hay’ada Qatar Charity -QC- waxay daah furtay xarun adeegyo badan leh iyo Foorno rootiga Sameyso samafalka oo  laga sameeyey magaalada Baydhabo ee koonfur-galbeed gobolka Baay ee Soomaaliya.
Xaruntan ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgaliyey gobolka, taasoo dadka u qabata adeegyo kala duwan oo isugu jira waxbarasho, iyo xarun Caafiimaad .

BY :MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author