Qaraxyo Ka Dhacay Banaanka Kaniisad Ku taalla Dalka Indonesia

Qaraxyadaan oo labo ahaa ayaa waxa loo adeegsaday Suumanka la xirto,iyadoo kadib ismiidaamin ahaan loo fuliyey.

Axada maanta ah ayey ka dhaceen Qaraxyada banaanka hore Kaniisad ku taalla Magaalada Maksaar.

Lama soo tebin khasaaro dhimasho ah oo ka dhashay weerarkaasi,balse 14 dhaawac ayaa qaraxyada kasoo gaareen dadkii Kaniisada kusugnaa.

Booliska waxay sheegeen in labo qof loo xiray tuhun ah inay dhacdadaasi ku lug lahaayeen,baaritaano Ayaana ku socda.

Kaniisada ayaa ku taalla Gobolka Suluweesi,waxaana Majalada Jakarta Post ay warisey in markii dambe Xaaladu caadi kusoo laabatay,mana jirin cid sheegatay weerarkaasi maanta dhacay.

You might also like More from author