Qaraxyada Baabuurta lagu xiro Oo Muqdisho Ku Soo Badanayo iyo Sarkaal Boolis oo gaarigiisa Qarax loogu xiray

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xaalada Sarkaal Booliska Soomaaliya ka tirsan oo shalay Galab dhaawac uu kasoo gaaray Qarax Gaarigiisa loogu xiray.

Qaraxa oo sida la sheegay ah miino nuuca gawaarida lagu xiray  ayaa Gaarigiisa loogu xiray sarkaal Boolis ah, kaasi oo ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,
Maamulka degmada Waaberi iyo Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano, ku aadan Qaraxa dhacay iyo Howlgallo amni xaqiijin ah.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xili laamaha amaanka Doowlada Soomaaliya ay ku dadaalayaan ineey hakiyaan Qaraxayada beryahan danbe Magaalada ku soo badanayo Labo Maalin ka hor waxaa sidan oo kale gaarigiisa Qarax lagu xiray Agaasimihii Guud Ee Wasarada warfaafinta Ee shaqadi laga joojiyay arintan Ayaa ku soo adeyso iyagoo Xiran Jidad Muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo Gaadiidka Magaalada Muqdisho.

Xamarpost.com
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

You might also like More from author