Qaraxii Soobbe ma halkaas ayaa looga hari doonaa?

Soomaaliya weli sooma marin in dad ka badan 350 qof ay hal maalin oo kaliya qarax ku dhintaan,Waa dhacdo dhalisay su’aalo iyo doodo dhinacyo badan yeeshay.

50 qof ka badan ayaa weli la la’yahay. Waxaa loo tirinayaa inay dambaska ka mid noqdeen.

Su’aasha aan ilaa hadda jawaabta loo helin waxay tahay nooca qaraxan uu ka samaysnaa ee sidaa dadka u laayay. Ma qaraxyadii gudaha dalka lagu farsamayn jiray baa, mise waa wax nagu cusub oo ka tan weyn?

Shacabku si isku mid ah ayey uga jawaabeen ayadoo aan loo eegin farqiyada siyaasadeed ama kala duwanaanshaha afkaarta. Meydadka la aasay mooyee waxaa jiray in dhaawacyada gurmad xoog leh loo fidiyey.

Dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Jabuuti, Qadar, Iimaaraadka, Kenya, Itoobiya, Maraykanka iyo Suudaan ayaa dhaawacyada intoodi darnayd loo qaaday ama soo diray dhakhaatiir iyo gargaar caafimaad.

Waxaa soo baxay dhallinyaro is abaabulay oo gurmadka qayb lixaad leh ka qaatay. Waxaa la oran karaa waxay buuxiyeen kaalintii looga baahnaa kooxaha baaritaanka iyo samatabixinta oo ugu yaraan dal walba uu leeyahay si markii ay masiibo timaado ay ula tacaalaan.

Sida aan kor ku sheegay, qaraxan oo kale weli hore uma soo marin taariikhda Soomaaliya. Dad goobjoogeyaal ah waxay sheegeen in gaariga qarxay uu sameynayey guux la moodo sidii Folkaane qarxi raba, intii uu gaarigu soo cararayey isgoysyada Banaadir iyo Soobbe dhexdooda. Dhismeyaal dhagax ka samaysan, sida Hotel Safari, ayaa gebi ahaanba ilbiriqsiyo gudahood dhulka la sinmay.

Dadka aqoonta u leh waxyaabaha qarxa waxay sheegayaan in ay u badan tahay in la kordhiyey awoodda qaraxa oo ugu yaraan la horumariyey ama lagu daray waxyaabo cusub oo waxyeellada badinaya.

Madaxda dawladda Soomaaliya waxay wacad ku mareen in la soo qaban doono cid alla iyo ciddii ka dambaysay qaraxa oo aan la isaga hari doonin.

Gaarigan qarxay waxay warar aan la xaqiijinin sheegayaan in laga soo raray deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dhamaanba koontaroolladii uu soo maray waxaa joogay ciidamo kuwa dawladda ah oo uu si fudud kaga soo gudbay. Cabdisalaan Yuusuf Guuleed, marna noqday agaasime ku xigeenka hay’adda nabadsugidda Soomaaliya(NISA) oo iminka ka faallooda arrimaha amniga wuxuu sheegayaa in baabuurkan uu yahay mid la yaqaannay oo jidkaas mari jiray, qof la yaqaannana uu damiintay. Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan duruufo nololeed oo askarta ku xeeran iyo qalabkii qaraxyada lagu ogaan lahaa oo aan oollin baraha koontaroollada.

Ilo ay BBC la xiriirtay oo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in gaari kale oo isna ku qarxay xaafadda ceel qalow in yar ka dib markii uu gaariga weyn qarxay uu xiriir la lahaa, looguna tala galay in marka hore uu gaariga yar irridda bartilmaameedka qarax ku furo, si gaariga weyn uu qarax xoog leh uga gaysto.

Sida muuqata Dawladda Soomaaliya waxay samaysay baaritaan, waxayna sheegtay in ay xog hayaan, dadna loo qabtay. Ilaa hadda ma jirto tallaabo intaa dhaafsiisan.

Ma jirto cid haddii la qabtay maxkamad la soo taagay. Mana jirto xog kale oo la soo bandhigay oo ah ugu yaraan in la shaaciyo halka uu bartilmaameedku ahaa.

Cabdisalaam Yuusuf Guuleed wuxuu qabaa in qaraxaasi lagaba hortagi karay. “Anigu waan arkay farriimaha la isu dirayo oo laga digayo in gaari noocaas ah uu soo socdo. Maxaa digniintaas loo qaadan waayey waa su’aal ay tahay inay ka jawaabaan hay’adaha amniga” ayuu yiri Cabdisalaan, wuxuuna intaas raaciyey “waxaa looga hortagi karay khatartan oo kale in baabuur kasta oo noocaas ah ah laga taxadaro, la baaro, la hubiyo, ama la joojiyo”.

Baarayaasha dowladda ma sheegin in la hayay sirdoon ku saabsan weerarkan.

Dhinaca kale, dalka waxaa la galiyey 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah.

Dagaalka Al Shabaab

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu ka codsaday guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka inuu la hadlo xildhibaannada, hase yeeshee dib ayaa loo dhigay.

Arrinta micnaha samaysay ayaa ah in Mr Farmaajo, bacdamaa uu doonayey inuu labada aqal ee baarlamaanka u jeediyo in dalka la geliyo xaalad dagaal/degdeg ah ay ku haboon tahay inuu marka hore kala tashado oo uu meel saaro kalsoonida iyo ka raalli ahaanshaha arrintaas dalalka ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan oo cududdooda lagu tashto, markaa ka dibna uu baarlamaanka hor yimaado. Haddii uu dhanka kale ka billaabo waxaa malaha laga shakiyey in qorshuhu dhicisoobo.

Xigasho BBC

You might also like More from author