Qarax Saaka Muqdisho ka dhacay iyo Taliye ku xigeenkii Nabad sugida degmada Waaberi oo…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Gaari oo saakay ka dhacay degmada Waabari, gaar ahaan Xaafadda Unicef.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa lahaa wiil dhalinyaro ah oo dowladda u shaqeeya, waxaana ka shakiyay ciidamada Ammaanka,waxaana ay dadka ku wargeliyeen in ay goobta ka fogaadaan, laakiin gaariga ayaa durba qarxay intii dadka goobta laga celinaayay.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay Qaraxaasi labo ruux oo la sheegay in mid uu yahay taliye ku xigeenka Ciidamada Nabadsuggidda degmada Waabari.

Ma jirto waxyeelo soo gaartay ruuxii Qaraxa loogu xiray gaarigiisa.

Gaari Qarxay ayaa waxaa uu nuuciisa uu yahay PREMIO sidda ay xaqiijiyeen dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo dhaawac ahaan goobta uga qaaday taliye ku xgeenka iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa.

You might also like More from author