Qarax lagu dilay Taliyihii Ciidanka Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in gaari uu lahaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre makaraan (Axmed Faal) uu qarax ku qabsaday Bariga Magaalada Jowhar.

Qaraxaasi oo ahaa miino dhulka la geliyo ayaa waxa la sheegay in lagu dilay Afar Askari iyo taliyihii guud ee ciidamada Ilaaliya Axmed Faal.

Lama oga inay daba socoto weerarkaan dagaalka Jowhar ka socdo iyo in kale,waxaana Taliyaha qaraxa ku dhintay lagu magacaabaa Dhicisoow Maxamed Qeylshe.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Jowhar,waxaana Axmed Faal iyo Cali Guudlaawe labaduba utaalla tacsi maadaama ay waayeen xubno muhiim u ahaa.

Waan waan ayaa socota lagu qaboojinayo dagaalka Jowhar oo weli rasaas laga maqlayo dhinaca Qorax dhaca Xaafada ku taalla Badacas oo dagaalku ka bilowday.

You might also like More from author