Qarax Lagu dilay gudoomiyihii siyaasada degmada Dayniile

Wararka kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay Magaalada Muqdisho abaare 10:00 Barqanimo Talaadada Maanta ah.

Qaraxaasi ayaa lagu weeraray mas’uul katirsanaa Maamulka Degmada Dayniile,waxaana soo baxaya warar dheeraad ah.

Qaraxaasi oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Daarusalaam,iyadoo lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii Siyaasada Degmada Dayniile.

Qaraxaasi ayaa la xaqiijiyey in Cabdi Maxamed Maxamuud uu ku geeriyooday,iyadoo Askar ilaalo u aheyd ku dhaawacmeen.

Meydka Gudoomiyaha ayaa goobta laga qaaday iyadoo ciidamada Amaanka ay baaritaano ka sameeyeen halka qaraxu ka dhacay.

Al Shabaab ayaa kordhiyey beegsiga ay ku hayaan Xubnaha ka shaqeeya maamulka Degmada Dayniile,bishii hore waxaa qarax ka bad baaday Xoghayaha Degmadaasi Maxamed Sharaawe.

You might also like More from author