Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo miino ahaa, islamarkaana jugtiisa la maqlay xaafadaha degmadaasi ayaa ka dhacay waddada aada dhinaca xarunta maamulka degmada Dayniile.

Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamado ka tirsan kuwa dowladda ay gaareen halkaasi, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano kooban.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Muddooyinkii dambey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

You might also like More from author