Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho,waxaana Lala eegtay Xoghayaha Degmadaasi Mahad sharaawe.

Gaari nuuca Qooqanta loo yaqaano ayaa uu watay Mahad Sharaawe,waana uu ka bad baaday miinada soo boodada lala eegtay.

Hal askari ayuu sheegay inuu kaga dhaawacmay Qaraxaasi balse Shacab ayaa ku le’day meesha ka ag dhawaa.

Ilaa shan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxa,waxaana ku jira Cunug yar oo dhaawacmay hooyadiis oo maacuun gadeysay ayaa ku dhimatay,isagoo la arkayey inuu naaska hooyadiis oo dhimatay ku dheganaa.

Xoghaye Mahad Sharaawe ayaa sheegay in ay jiraan dhaawacyo meesha laga qaaday,waxaana la tilmaamay in xaaaladu caadi kusoo laabatay.

Meel ku dhaw Xerada damaanyo ayuu qaraxaasi ka dhacay.

You might also like More from author