Qarax Khasaare u geystay Askar katirsan Koofur Galbeed oo xalay ka dhacay Baydhabo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed ayaa sheegaya in xalay bam gacmeed lagu tuuray bar kontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo.

Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal u sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen labo askari oo kontoroolka ku sugneed, waxaana qaraxa kadib la maqlayay rasaas ay ridayeen ciidamada.

Koontaroolka Al Axmaar ee Magaalada Baydhabo oo ah goobta qaraxa Bam gacmeedka lagu tuuray, waxaa ka socday howlgal lagu baarayay Gawaarida.

Koontaroolka Al Axmaar waxa uu ku yaalaa Xaafadda Howlwadaag, ciidamada ayaa durba bilaabay howlgalo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa.

Booliiska Maamulka Koofur Galbeed ayaa dhalinyaro kusoo qabtay howlgalkooda, mana faah-faahin saraakiisha ammaanka in uu ku jiro ruuxii bamka tuuray iyo in kale.

Sidaan oo kale dhowr jeer oo hore waxaa qaraxyo u badan Bam gacmeed lagu tuuray goobo Ciidamada ammaanka ay ku baaraan Gawaarida, waxaana waxyeelada ugu badan ay gaartaa Askarta iyo dadka la socda gaadiidka ku sugan Kontoroolada.

You might also like More from author