Qarax ka dhacay Muqdisho oo ka dhashay khasaaro

Waxaa faah-faahino laga helayaa Qarax miino oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkenley oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kale gaaray Askar iyo Shacab, iyadoo uu si gaar ah uga dhacay afaafka hore ee saldhig galbeed.

Sida la xaqiijiyay khasaaraha dhimashada waa hal Askari, halka dhaawacana lagu sheegay Saddex ruux oo dhamaantood ah Dad shacab, kuwaas oo gaabta uu qaraxa ka dhacay ka agdhawaa.

Kadib Qaraxa ciidamo ka tirsan Laamaha ammaanka oo goobta gaaray waxaa ay ka sameeyeen howlgalo, iyadoo xaalada goobta ay haatan tahay mid degan.

Majirto wax faah-faahin ah ay ka bixiyeen Laamaha ammaanka iyo Maamulka degmada qaraxaan iyo khasaaraha rasmigaa ee ka dhashay, balse maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho, waxaa ka dhacayay falal lidi ku ah Amniga Caasimada.

You might also like More from author