QARAX KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHU.

Qaraxaan oo lala beegsaday Maqaayadda Luul Yamani ee Xamarjajab ayaa sababay khasaaro isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Bartilmaameedka Qaraxa oo ahaa Maqaayadda ayaa xiliga uu dhacay waxaa ku sugnaa dad shacab ah oo maqaayadda ku qaxweynayey.

Ciidanka Booliska oo goor dambe yimid ayaa xiray goobta Qaraxu ka dhacay iyo dhamaan jidadka soogalo maqaayadda.

Qaraxa xoogiisa waxaa laga maqlay Goobo ka fogfog maqaayadda sidoo kale waxaa burburay guryo ka akdhaw maqaayadda uu qaraxa ka dhacay.

Waa markii labaad ee maqaayadda qarax uu ka dhaco.

BY: MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author