Qarax ka dhacay Garoon Diyaaradeed Ku Yaalla Soomaaliya

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Qarax ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo,iyadoo khasaaro ka dhashay Qaraxaasi.

Meel ku dhaw Madaarka Baardheere ayuu qaraxa ka dhacay,iyadoo lala eegtay Ciidamo katirsan Kuwa Dawlada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ciidamada ay halkaasi kusugnaayeen,iyadoo Labo Askari Katirsan Meliteriga Soomaaliya ay ku dhinteen.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxa ku dhaawacmay tiro ka badan inta ku geeriyootay,markii dambe ciidamo ayaa goobta gaaray waxaana ay sameeyeen baaritaano.

Ma jirin cid loo soo qabtay Miinadaasi waxaana Al Shabaab ay sheegteen Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Baardheere.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Ee kusugan Gobolka Gedo gaar ahaan Baardheere kama aysan hadlin qaraxaasi khasaaraha geystay ee ka dhacay Degmadaasi.

You might also like More from author