Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Baydhabo

Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Baydhabo ayaa baaritaano ka wada Magaaladaasi kadib qarax xalay ka dhacay Halkaasi.

Bambaanada gacanta laga tuuro ayaa lala eegtay dad kusugnaa Isgoyska Boqoleyda Ee Xaafada Bardaale,Labo qof ayaa dhintay halka ay shan qof kale ay dhaawacmeen.

Ma jirto cid loo qab qabtay Howlgalada laga sameenayo magaalada baydhabo saaka iyadoo ciidamadu sheegeen in dib faah faahino ka bixin doono.

You might also like More from author