Qaramada Midoobey oo sheegtay in 4,300 Somali ah ka soo celisay Yemen

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2017kii ay ku guuleystay in dalka Yemen ay ka soo celiso 4,300 oo Soomaali ah.

War ay soo saartay UNHCR ayey ku sheegtay in Arbacadii ay Doon wadday 125 Soomaali ah ka soo baxday dekadda Magaalada Cadan ee dalka Yemen, islamarkaana ay shalay subax ka degeen Magaalada Berbera.

Babar Baloch, oo ah Afhayeenka Hay’adda UNHCR ayaa sheegay in dadka shalay la soo celiyay ay isugu jiraan Soomaali ku dhalatay Yemen, kuwo ku dhashay Soomaaliya oo ay waalidkood ula qaxeen dalka Yemen iyo kuwo kale.

Warbixinta UNHCR ayaa xustay in 90% Soomaalida aadda Yemen ay yihiin magangalyo doon ama qaxooti kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 250,000 oo qof oo Soomaali ah.

Bakaca dadkaas ayaa dhashay 1990kii markii ay dagaallada sokeeye ka billowdeen Soomaaliya,waxaana Qaramada Midoobey sheegtay in Yemen ay tahay dalka saddexaad ee marti geliya qaxootiga ugu badan ee Soomaalid ah.

You might also like More from author