Qaramada Midoobeey Oo Xarun Ka Furaneysa Caasimada Galmudug

Qaramada Midoobay Ayaa Dhawaan xarun ka Furanaysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb  ee Caasimada Galmudug waxaa maanta soo gaaray xubno ka tirsan Xafiiska QM ee Soomaaliya, xubnahan oo isugu jiray farsmo yaqaanno iyo khubaro amni ayaa waxaa hoggaaminayey  Tomoko kubota, iyadoo ujeedka socdaalkoodu   la-xiriiray hubinta iyo sahminta  halka loo asteeyay inay noqoto xafiiska QM ee Galmudug.

Kaddib howlgalkooda u kuurgelidda iyo sahminta ee xaruntooda Galmudug, waxay xarunta madaxtooyada ku la kulmeen madaxweyne Ku xigeenka Galmudug  mudane Cali Daahir Ciid oo si diiran usoo dhaweeyey  isla markaana bogaadiyay in UN ay soo degaan Galmudug.

” Waan soo dhaweynaynaa  in hay’daha kala duwan ee QM ay ka howlgalaan Galmudug, xafiisna ay ka furtaan, sii ay ugu adeegaan bulshada Galmudug, si dhawna ay ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee dowladda. Galmudug.

Wakiilka QM U qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa booqashadii dhawaan uu ku yimid Galmudug wuxuu ballanqaaday in hay’adaha UN sida ugu dhaqsiyaha badan usoo degi doonaan Galmudug.

163404011 3818720044831662 8050389860940611697 N

163440585 3818720261498307 5196451169214226063 N

163487434 3818719911498342 7412958778237451737 N

163521505 3818721021498231 9073422520775232372 N

163521505 3818721161498217 3496395649621245467 N

163809381 3818719774831689 2189624852911250242 N

163889590 3818720174831649 2113552229380426222 N

164005680 3818720871498246 5768037270081427655 N

164337220 3818720448164955 8826131233493548931 N

You might also like More from author