Qaramada Midoobe oo Xubne Sarsare oo ka Tirsan Alshabaab Cuna qabateyno Cusub kusoo Rogtay
Guddiga cunaqabateynta ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya { UNSC } ayaa liiska cunaqabateynta ku daray 3 xubnood oo sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab .
Gudiga Qaramada Midoobe ee Cunaqabateenta Soomaaliya aya yiri “waxaa ay xubanaha saddexda ah ay galeen falal argagaxiso oo wax u dhimaya nabada, amaanka ama xasiloonida Soomaaliya”, oo ay ku jiraan falalka Qatar ku ah heshiiska nabada Jabuuti, iyo hanjabaadyo ka dhan dowladda Federal -ka ee Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AMisom”
Dadka la qoray ee ka midaa Al-shabaab oo gudiga Qaramada Midoobe u qaabilsan cuna-qabeenta Soomaalia ayaa kala ah: Cali Aadan Abuukar, ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab; Ayman Macallin, aasaasihii iyo hoggaamiyihii Jaysh Ayman, {unug ka tirsan Al-Shabaab } oo ka hawlgala isla markaana weeraro ka fuliya gudaha dalalka Kenya iyo Soomaaliya; iyo Mahad Karaatay, oo la sheegay inuu door muhiim ah ka qaatay Amniyaadka Al-shabaab {garabka sirdoonka Al-Shabaab}.
BY: MOHAMED YAHYE JINOW