Qaramada Midoobe oo shir deg deg ah ka leh xaalada Soomaaliya

Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta oo jimco ah ay ka shiraan xaalada is mari waaga ah ee wali ka taagan qabaashada doorashooyinka labada gole iyo mida madaxwayne ee soomaaliya xili walaaca caalamka uu ka qabo in dagaal sokeeye soomaaliya dib ugu laabato uu sii kordhaya.

Ergayga gaarka ah ee jimciyada qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan soomaaliya ayaa lagu wadaa in warbixinadii ugu dambeeyay ee dadaalada qaramada Midoobay u gudbiyo shirkaasi loo dhan yahay waxaana la filayaa wada xaajoodka hoggaanka soomaalida dhawaan isugu imaan doonaan ee garwadeenka uu ka yahay iswaan in uu xog gaar ah ka siiyo halka diyaar garoowga uu marayo.
Doorashada waqtigeeda dhaaftay ee soomaaliya ayaa abuurtay jawi cabsi leh oo xasiloonida soomaaliya laga wada muujinayo

You might also like More from author