Qaramada Midoobay oo soo saartay Digniin ku Wajahan Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in markale ay soo laabtaan abaarihii xooganaa ee ku dhuftay Soomaaliya, islamarkaana ay qeylo dhaan ka muujiyeen Beesha Caalamka.

Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michel Keating ayaa waxuu sheegay in kumanaan Ruux oo horleh ay soo barakaceen, taasiana ay muujineyso in markale ay soo laaban karaan abaaraha.

Danjire Keating ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in 900,000 oo barakacayaal ah la diiwaan geliyay, islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto.

Danjiraha ayaa tilmaamay in gurmad loo baahan yahay, si buu yiri loo caawiyo qoysaska ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii Qaramada Midoobay ay shaacisay in loo baahan yahay malaayiin doolar oo loogu gurmanayo qoyas Soomaaliyeed oo ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay Soomaaliya.

You might also like More from author